DAAWO: Qisadii qamuunyada badnayd ee khaarajinta Amiirad reer Aal Sucuud ah & wiilkii ay jeclayd + Sawirro

0

(Riyaad) 23 Okt 2018 – Waxay ku beegnayd 15-ka Luulyo, 1977-kii, foolxumadii ka dhacday dalka Sucuudiga ee Reer boqor gaysteen waxay ahayd, dilkii la diley Amiira Mashacal Fahad Maxamed bin Cabdi-Casiis AaL Sacuud, oo 19 sano jirtay.

Amiirad Mishacal waxay ahayd qof doonaysay inaysan raacin xeerka reerka Boqortooyada ah, waxay ahayd sidii shimbir daysan, waxay doonaysay inay dunida ka dawaafto meeshii ay doonto. Waxay ahayd gabar qurux badan.

Halkan ka DAAWO film dokumenteri ah oo laga sameeyay…

Waxaa awoowe u ahaa Amiir Muhammad bin Abdul Aziz, oo ahaa walaalka ka wayn Boqorkii Saudi Arabia ee xilligaa, Boqor Khalid bin Abdul Aziz.
“Waxaa aad u jeclaa Boqorka, wuu jeclaa, qoyska oo dhamina way jeclaayeen, waxaa la siiyay wax kasta oo ay doonto, iyadoo loo dooray wiil ay ila adeer yihiin oo ka tirsan xayndaabka Boqortooyada, balse waa diiddey inay saxiixdo qandaraaskii guurka, iyadoo 17 jir ah ayay dalbatay inay waxbarasho u aaddo dalka Lubnaan.

Waxaa loo diray dalka Lubnaan si ay wax uga soo barato, kaddib waxay jeclaatay safirkaa Sucudiga u fadhiya dalka Lubnaan, walaalkiis oo lagu magacaabo, Cali Xasan al Shaacir, reerku markay ogadeen waxay dhaheen soo noqo.

Deetona waxaa loo sheegay inaysay dib dambe u raaci karin guursanna karin, mudo kaddib waxay iska dhigtay sidii inay biyo ku hafatey oo ay dhimatay, isaguna basaboor bug ah ayuu usoo qariyey waxay damacday inay kaga baxdo Jidda.

Waxaa deeto lagu qabtay gegida dayaaradaha, maxkamad ayaa la soo istaajiyey, waxay maxkamadu go’aan ku soo saartay guriga halagu xiro iyadoo amar lagu siiyay inaysan dibedda usoo bixi karin.

Yeelkeede, maxkamadii ayay ka dhex tiri ”waan sineeystay,” Hagaag, markii ay sheekadu halkaa maraysay ayuu boqorku dalbaday in howsha la joojiyo. Wuu u yeerey isagoo qol gaar ah geeyay gabadhii.

“Ma garanaysaa waxa dhacaya haddii aad mar 2-aad iyo mid 3-aad ku darto qirashada ah waan sinaystay waxa dhacaya. Kuma badbaadin karo anigu, awoowgaa kuma badbaadin karo. Ku noqo maxkamadda oo kaliya sheeg inaadan wiilkaa dib dambe ula kulmi doonin. Fadlan.”

“Waxay ku noqotay maxkamaddii iyadoo 3 jeer tiri ‘waan sinaystay,” muddo 5 ilbiriqsi ah ayay nafteedii iyo tii xabiibkeedaba xujaysay.

Deeto go’aan waxaa lagu gaarey in la dilo, wariyaha maxkamada joogay ee filamkan sameeyay Anthony thoms oo goobjoog ahaa waxuu leeyahay, hadalkeedi ayaaba lagu xukumay oo laga yaabo inay caro ka keentay sharciga islaamkuna waxuu qabaa 4 makhraatiya in lakeeno lana baaro lama se baarine waa la xukumay, tiiyoo ay dhici karto inay arrintan u adeegsatey qaab is miidaamin oo kale ah.

Waxaa labadooba la keenay meel gawaarida la dhigto oo ku taalla bartamaha magaalada, waxaa la keenay wiilka oo la jiidayo una muuqda nin aan socon karin, waxaa dhankiisa midig lasoo fariisiyay iyadoo jilba jabsan gabar cabbaayad iyo niqaab xiran oo aan wejigeeda loo jeedin.

Gabadhii waxaa lagu furay rasaas, halka wiilkii qoorta si xanuun badan looga jaray, dad baa ilaa maanta rumaysan in aan gabadha la dilin, balse qof kale oo malaha xabsi laga soo bixiyay meesha lagu toogtey, maaddaama ay reerku aad u jeclaayeen gabadha, balse lama hubo.

Waxaa diyaariyay; Maxamed Cudhi iyo Maxamed Xaaji

Hadalsame Media