DAAWO: ”Qaybo ka mid ah” maydkii Khashuuqji oo laga helay beerta guriga Qunsulka Sucuudiga!

0

(Istanbul) 23 Okt 2018 – Qabyo ka mid ah jirka maydkii Jamal Khashoggi ayaa la sheegayaa in laga helay beerta guria Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, sida uu faafinayo hilinka Sky News oo intaa ku daray in xubnaha jirkiisa la ”jarjaray oo la weji bedeley”.

Warsidaha Sky News ayaan muujinin wax muuqaal ah oo uu warkiisa ku taageero balse wuxuu ku adkaystay inuu soo xigtey ilo ”la isku halleeyn karo” oo uu sheegay in la helay mayd – loo badinayo midkii Khashoggi – kaasoo ay baahinayso warfaafinta Carbeed.

Warkan ayaa taageeraya mid uu horay u sheegay siyaasiga Doğu Perinçek, oo ah hoggaanka xisbiga bidixda u janjeera ee Vatan Party oo xalay TV Turki ah u sheegay in ceel ku dhex yaalla guriga Qunsulka laga helay ”qaybo ka mid ah maydkii” Khashoggi.


Hadalsame Media