Soomaalida oo bahdil & dhib ku qabta garoonka Jomo Kenyatta (Doorkii safaaradda Somalia oo dansan)

0

(Nairobi) 22 Okt 2018 – Bishaan Oktoobar dhexdeeda ayaan labo mar transit ku maray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee Nairobi Kenya. Ma ahan markii ugu horreysay ee aan meeshaan transit ku maro ama aan ku dego, balse dhacdooyinka aan markaan arkay ayaa dareen gaar ah igu yeeshay, ayuu ku bilaabayaa goobjooge qoraal soo gaarsiiyay Hadalsame Media.

Inta badan garoonkaan wuxuu udub dhexaad u yahay Soomaalida u kala safraysa Afrika Iyo dunidda inteeda kale, maadaama aroonka Xamar aysan ka jirin diyaarado ama duulimaadyo badan oo caalami ah oo ka baxa, ama taga Afrika inteeda kale, marka Nairobi, Addis Ababa ama Djabouti laga reebo.

Waxaa si gaar ah dareen iigu yeeshay socotada Soomaalida ah ee garoonka diyaaradaha Nairobi ku dhibban; intooda badan waxay u socdaan; Mozambique, Koonfur Afrika, Uganda IWM, waxayna sitaan Visa sharci ah ama passport qaxooti ah, qaarkood passport-kii waa laga qaatay, nooligu waa ku yaryahay amaba ma haystaan, cunto ma heli karaan, meeshuna waa qabow.

Safaraadda Soomaaliya ee Kenya, oo aan waydiiyay inay la xiriireen waxay ii sheegeen in meel loo maro aysan aqoon, haddii dowladda Kenya ay waydiiyaanna aan jawaab sax ah la siin, taas oo u dhiganta in uusan jirin dareen ama sabab ay uga jawaabaan baahida shacabkaan meesha ku dhiban, sida sharciga ahna ay ahayd inay safaaraddoodu caawiso.

Dadka qaar oo aan isku dayay inaan caawiyo, xalka kaliya ee u furmay waxuu noqday in waddanka dib loogu soo celiyo. Waddanka gudahiisii waxaa ka jira, amni xumo, cadaalad daro iyo falal badan oo adkaynaya inuu soo boxo nidaam dowladnimo oo si hufan u shaqeey, haddana adeegyada kooban una baddan sharciga ee ay waajibka ugu lahaayeen safaaradahooda inaysan muwaadiniintu helin ama safaaraddiiba aysan lahayn qiyam iyo awood wax qabad lagu qanco marka loo baahan yahay, waa ayaan-daro xilligeeda joogta.

Qalinkii goobjooge: Maxamed Cabdirisaaq Faarax Cirbad

Hadalsame Media