Ninkii uu in yar ka hor faqri ahaanta u cayrinayay ayuu daqiiqad kaddib cood ka rajeeynayay! (Qiso cibro xambaarsan)

0

(Hadalsame) 22 Okt 2018 – Waxay ahayd habeen qabow badan, waxaana da’ayay roob aad u xoogan. Dadka qaarkood waxay siteen dalaayado ay roobka iskaga dhigayaan.

Inkastoo cimiladu sidaa qabow u aheyd haddana waxa jiray nin miskiin ah oo xirnaa dhar jeexjeexan oo fadhiyay goob yar oo hoteel halkaa ka ag dhawaa ku yaalay isagoo kaga gabanayay dhaxanta iyo roobka. Iyadoo ay ka muuqatay dhibaatada haysatay habeenkaasi indhihiisana ay ilmo ka da’aysay ayay haddana dadka qaarkood lahaayeen miyuu waayay dhar kuwan ka wanaagsan inuu xirto iyagoo xaqiraadi ka muuqato.

Waxaa ka muuqatay baahida, ka dibna waxa ku soo dhaqaaqay madaxa soo dhowaynta hoteelka oo u sheegay in aan halkan looga baahnayn dad dawarsada ama tuugsada oo sidan u fool xun, isla markaana wuxuu ku amray inuu dibada uga baxo. Waxa uu ka codsaday inuu daayo inta roobku qaadayo laakiin taasi kama yeelin, isagoo aad uga carooday ama uga xanaaqey.

Markii uu arkay ninkii faqiirka u muuqday xaaladu halka ay marayso ayuu soo saaray muftaaxa ama furaha B1 oo ah qolka ugu qaalisan hoteelka ee ujeeda dhinaca webiga, iyo inuu yahay ninka qolkaasi kiraystay.

Ninkii shaqaalaha ahaa aad ayuu u naxay oo una argagaxay. Ninkii uu muuqday faqiirka ayaa madaxa hoteelka ku yiri “Hoteelkiina waxaan kaga baxayaa nus saac, ee ii diyaari gaarigaygii Rolls-Royce ahaa. gaarigaas oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan caalamka.”

Weli wuu jawaabi kari la’yahay madaxa soo dhowaynta hoteelku. Wuxuu qaadan la’yahay ninkan hor taagani dharka uu xiran yahay waxaana uu hoos u leeyahay xataa dadka nadaafadda ka sheqeeyaa ma xirtaan dharkan uu xiran yahay.

Ninkii wuxuu iska galay qolkiisi, wuu iska soo bedelay dharkii , wuxuuna soo xirtay dhar aad u qurux badan iyo kabo qaali ah, ka dibna wuu soo baxay isagoo koray ama fuulay gaarigiisa oo diyaar u ahaa.

Wuxuu u yeeray madaxa soo dhowaynta isagoo gaarigiisa fuushan waxaana uu ku yiri “ imisaad mushahar u qaadataa?
Shaqaalihii: ”3 kun dollar. Ninka: ”Makugu filan tahay?

Shaqaalaha: ”Maya aad iiguma filna. Ninka: Ma u baahan tahay in wax lagu siiyo? Shaqaalaha: Sidee ayaanan ugu baahnayn mudane. Ninka: ”Oo soowdigii hadeer lahaa halkan waa ka mamnuuc dadka dawarsada ama tuugsada? !

Ninkii ayaa hadalkiisa ku soo xiray “Xaqiiqdii waad hoogteen, dadka waxaad ku kala saraysiinaysaan xoolahooda, Waxa xumaan ka nasahan Allaha muddo kooban ku bedelaya dhaqanka iyo akhlaaqda qofka. Waxaan sanad kasta wakhtiga qaboobaha sameeyaa sidan si aan u dareemo nolosha saboolka iyo sida ay ula dhaqmaan dadka aan akhlaaqda wanaagsan lahayni.

Dulucdu waxa ay tahay dadka masaakiinta ama saboolka ah waa in loo naxariistaa xitaa hadii aadan caawin karin hadal wanaagsan kula hadal oo ha ku diganin oo aan ku Jews jeedin

Xigasho: Cabdulaahi Nuur Colombo

Hadalsame Media