”Haddiiba uu Ronaldo u joogo waa lama huraan inay Juventus CL qaadayso” – Solskjaer

0

(Torino) 22 Okt 2018 – Laacibkii hore ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa rumaysan “inaan laga fursan karin” in ay Juventus tahay kooxda ugu cad cad hanashada Champions League kaddib imaanshaha Cristiano Ronaldo.

Kooxaha Man U iyo Old Lady ayaa habeen dambe ku ballansan Champions League, wuxuuna laacibkan oo lagu naanaysi jirey ‘Weji Carruurkii Dilaaga ahaa’ ayaa kala hadlay La Repubblica arrinta CR7.

“Markii uu England imanayay nin yar buu ahaa, balse wuxuu noo sheegay inuu doonayo inuu noqdo xidigga ugu wanaagsan adduunka,” ayuu soo gocday Solskjaer.

“Waxaan moodayney inuu waalan yahay, balse run bay ahayd, weligay lama kulmin xirfadle isagoo kale ah, Sir Alex [Ferguson] wuu jeclaa.

“Juventus miyay ugu cad cad yihiin Champions League? Taasi waa lama huraan, haddiiba uu Cristiano u safan yahay.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media