Erdogan oo sheegay inuu banaanka soo dhigi doono sir badan oo ku aadan dilka Weriye Jamaal Khashuuqji

0

(Muqdisho) 22 Okt 2018 – Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku goodiyay in dalkiisu soo bandhigi doono dhamaan cadeymaha la xiriira dilka wariye Jamaal Khashuuqji oo lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Magaaladda Instanbuul.

Berrito oo Tallaado ah ayaa la filayaa in Erdogan khudbad u jeediyo taageerayaasha xisbigiisa waxaana sidoo kale macquul ah inuu sheego wax badan oo la xiriira kiiska weriye Jamaal Khashuuqji.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hadalka ka baxay hoggaamiyaha Turkiga islamarkaana uu aad u sugayo hadalka ka soo bixi doona berrito.

Labada Madaxwayne, Erdogan iyo Trump ayaa qadka taleefanka ku wada hadlay waxaana si wadajir ah ay isugu waafaqeen in Sucuudiga looga baahan yahay sida saxda ah ee loo dilay weriye Khashuuqji.

“Waxyaabaha aan ka hadli doono waxaa ka mid ah sababta 15 nin oo ka socday Sucuudiga u yimaadeen Turkiga iyo sidoo kale sababta Sucuudigu u xiray 18 ruux sababo la xiriira kiiska weriye Jamaal Khashuuqji, waxyaabahaas oo dhan iyo ka badan waxay rabaan sharaxaad dhab ah,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalsame Media