DAAWO: Maxamed B Salmaan oo la sheegay inuu telefoon kula hadlay Khashuuqji daqiiqado kahor intaan la khaarajin! (Muxuu u sheegay?)

0

(Istanbul) 22 Okt 2018 – Dhaxal-sugaha Mohammad bin Salman ayaa la sheegayaa inuu telefoonka kula hadlay Jamal Khashoggi isagoo isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo inuu usoo duulo Riyaad, daqiiqado uun ka hor intaan weriyaha lagu khaarajina gudaha Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, sida ay sheegayaan warar iminka soo baxaya.

Amiirka ayaa la sheegay inuu Khashoggi soo wacay in yar uun kahor intaan lagu xirin qol ka tirsan Qunsuliyadda, sida uu sheegayo wargayska Turkish-ka ah ee Yeni Safak.

Mohammad bin Salman, oo ay Galbeedku u yaqaannaan MBS, ayaa isku dayey inuu weriyaha ku qanciyo inuu kusoo laabto dalkiisa, halkaasoo uu kasoo cararay, tiiyoo uu mar xulufo dhow la ahaa Boqortooyada.

Weriyaha ayaa si cad u diidey dalabkaasi Amiirka ee u duulitaanka Riyaad,, isagoo diiddanaa in halkaa lagu xiro ama lagu dilo, balse nasiib xumo, raggii khaarajin lahaa waxayba ku diyaar ahaayeen isla Qunsuliyadda dhexdeeda, kuwaasoo diley kaddib markii uu telefoonka dhigay MBS.

Muuqaalka maalintii ugu dambaysay ka hor geeridiisa…

Hadalsame Media