Coca Cola oo samaysay iidheh ay EEDDAY!! (Maxaa dhacay?)

0

(Wellington) 22 Okt 2018 – Mid ka mid ah halku dhegyada suuq gayneed ee Coca-Cola faraceeda New Zealand ayaan u shaqaynin sidii looga dan lahaa, iyadoo keentay in lagu maadsado khalad yaxyax leh oo ka dhacay.

Shirkadda cabitaannada fudud ee caalamiga ah ayaa soo fasaxday halku dheg u akhrismayay “Kia ora, mate.” Ujeedku wuxuu ahaa in salaanta luuqadda dadka asal ahaanta loogu yimid gasiiradda ee te reo Maori lagu qaso Ingiriisi.

Waloow erayga ‘mate’ uu caadiyan ka dhigan yahay saaxiib, micne ka duwan ayuu ku yeelanayaa luuqadda Maori-ga ee dadka asalka ah. Wuxuuna halku dheggii isu bedeley, “Geeriyeey waa ku salaamey.”

Dadkii ayaa deeto ka jeex jeecay Coca-Cola, mid baa Twitter kusoo xarriiqay in Coca-Cola ay ugu dambayn “iska warqabto,” mid kale ayaa kasii daray oo yiri “Ugu dambayn, run baa iidheh lagusoo daray.” Iyagoo dabcan ula jeeda inaan cabitaankani caafimaadka u roonayn.

Hadalsame Media