SAWIRRO: Soomaaliya oo ka tacsiyeysay Geerida Madaxwaynihii hore ee Suudaan

0
753

(Muqdisho) 21 Okt 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Xarunta Safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Suudaan geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadam Dagaal, ayuu wasiirku sheegay in Marxuumka uu qiimo weyn ugu fadhiyay Suudaan, Ummadaha Carbeed iyo Islaam marka loo eego tilmaamaha la mahdliyo iyo aragtiyada sugan ee howlaha uu u qabtay Suudaan iyo Ummadaha Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Wasiirka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Safaaradda, Siihayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Mudane Lataliye / Abdirahim Tajuddin Alzain.

Facebook Comments