Maraykanka oo ku hanjabay inuu ka bixi doono heshiiska Nukleyrka ee uu hore ula galay Ruushka

0

(Muqdisho) 21 Okt 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka bixi doono heshiiska dhanka Nukleyrka ee dalkiisu hore ula galay Ruushka, sababtoo ah  Ruushka oo ku xadgudbay heshiiskaasi.

Heshiiskan ayaa muhiim u ahaa nabadgalyada Maraykanka, Yurub iyo guud ahaan caalamka, waxaana haddii uu burburo laga walaacsanyahay saameynta ka dhalan karta.

Trump ayaa hadalkaan sheegay isagoo taageerayaashiisa kula hadlayay Magaaladda Elko, waxaana uu ku eedeeyay Ruushka inaysan daacad ka ahayn heshiiska uu la galay Maraykanka.

“Ruushku waa ku xadgudbay heshiiska, waxayna sidaas sameynayeen sannado badan, ma garanayo sababta madaxwaynihii iga horeeyay Obama uusan wadaxaajood uga galin ama uusan isaga bixin heshiiskaas,”ayuu yiri Trump

Madaxwayne Trump ayaa si adag u sheegay inaysan haba yaraatee aqbali doonin in heshiiskaasi lagu xadgudbo, haddii taasi dhacdayna ay diyaar u yihiin inay isaga baxaan.

Hadalsame Media