Loollanka siyaasadeed ee Geeska Afrika & doorka faragelinta caalaamiga ah (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 21 Okt 2018 – Aadamigu intii uu hanaqaadka ahaa, dunidu marnaba kama ayan nasan xasarad iyo xiira-xiiro colaadeed oo ay abuuraan hadba markaa kuwa murqa-weynta ah. Iyagaa ah mar-walba kuwa ducufada aanan itaalka lahayn korkooda ku camirta dhimbilaha colaadeed.

Sidoo kale, dowladaha aanan lahayn xoog ciidan iyo xeelad miisaaman oo lagaga haybeystaa, haddii ay la saftaan mid kamida murqaweynta; waxaa dhacda in ay la kulmaam dharbaaxooyin siyaasadeed oo geyeysiiya in ay shafka dhulka ku dhufsadaan.
Loollanka dhaqaale iyo dagaallada murqa-weyntu, dunida waxay ka qarxiyeen dirirro caalamiya oo lagu hoobtay―mood iyo nool badan.

Haddii iyagu shalay ay ahaayeen kuwo jiidanaya xulufooyin, oo si toos ah foodda isugu darsada fagaarayaasha dagaalka. Laga soo bilaabo bartamaha qarnigii tegey way ka ilbaxeen, oo waxay bilaabeen in intay mindiyaha listaan in ay isugu dhiibaan hadba dowladaha dhaca marinnada istaraatiijiyadeed ee danahooda.

Dowladaha siyaasadda caynkaas ah isugu herdiyey, waxaa kamid ah oo aynu kaga gaabsan labada Kuuriyo oo midna Midowgii Soofiyeeti u janjeertay, midna ay Maraykan iyo xulufadiis ku daba safatay. Halista dagaalkii qaboobaa ee labada Kuuriyo wuxuu dhaxalsiisay in ay yeeshaan xuduudda dunida ugu khatarsan, taasoo qofkii galayaa uu saxiixo warqad caddaynaysa in haddii uu dhinto ama ba uu dhaawacmo uusan cidna wax u tirsanayn; maaddaama uu soo galay goob halis ugu jirta daqiiqad walba in uu dagaal ka qarxi karo.

Haddii dowladaha quwadda ciidan leh ay ahaayeen kuwa keliya ee dowladaha yaryar iyo kuwa awooddoodu meel-dhexaadka tahay kala-dhantaala; maanta waxaa masraxa kusoo biiray dowladaha hantida iyo lacagta ku caanbaxay. Sida Qadar, Sacuudiga, Imaaraat, iyo Shiine. Iyaga qudhoodu dano dhaqaale iyo kuwo istaraatiijiyadeed dartood ayey u curyaamiyaan dowlad-weliba oo khariidadda danahooda soo gasha.

Dowladaha afka ciidda loogu daray waxaa kamid ah oo aynu kasoo qaadan, Suuriya, Liibiya iyo Yaman. Suuriya danaha ku salaysan marinnada dhaqaale marka laga tago, misana waxay la burburtay istaaatiijiyadda ay dhacdo oo muhim u ah hantileyda, muqraweynta iyo ururrada xagjirka ah ee ku qaraabta magaca diinta Islaamka & weliba kuwa leh damaca siyaasadeed.

Liibiya qudheedu waxay la burburtay kaddib markii loollanka gaasku uu ku soo leexday dalkeeda. Shirqoolkeedana waxaa iska kaashaday laba quwadood oo midna uu hanti ku fadhiyo (Qatar), midna uu kamid yahay quwadleyda dunida ee leh codka diidmada qayaxan (Farance).

Yaman iyada waxaa isu-laba-murqeeyay dowlado hubeynaya kooxa-diimeedyo kala taabacsan Sunniga iyo Shiicada; oo ay kala hoggaaminayaan Sacuudi iyo Iiraan. Iyo sidoo kale dowlado shisheeye oo ku diriraya dano dhaqaale iyo masaalix istaraatiijiyadeed. Dowladahaa iyaga ah na waxaynu kaga gaabsan Imaaraat oo dagaal aamusan oo marinnada dhaqaale ah kula jirta Shiinaha.

Waxaa caado ah, mar walba oo dowladi ay burburto ama ay u curyaanto dhaqaale ahaan ama siyaasad ahaan, in ilma-sheydaan oo idil iyo cidw alboo masaalix dhow iyo mid dheer ka lihi, ay ku dhiirradaan fargelinteeda.

Dhan-kale, dowladaha itaalka roon waxaa dhaqan u ah in ay habsaamiyaan ama ba burburiyaan dal walba oo ay masaalixdooda siyaasadeed ka dhex arki waayaan.
Tusaale ahaan, 1953-dii Maraykanku waxa uu riday dowladdii Iiraan ee uu hoggaaminayey Mohamed Mosaddegh.

Sababtoo ah tillaabbooyinkii u horreeyey ee uu qaaday ayaa ahaa labo. Midda koobaad oo ahayd in uu xoojiyo qaramaynta saliidda ceeriin ee dalkiisa iyo midda labaad oo ahayd in uu wada hadal la galo saaxiibkooda siyaasadeed ee ay deriska yihiin ― Midowga Soofiyeeti.

Cabsida xooggan ee Maraykan haleeshay waxa ay kaga dhalatay dhanka hoggaanka, oo ahaa mid qaatay manhajka siyaasadeed ee Shuuciyadda. Sidaas darteed, ayaa hoggaamiyaha guud ee CIA-da Maraykanka oo kaashanaya dowladda Ingiriisku, uu lacago malaayiin doollar ah oodda ugaga qaaday dalka Iiraan.

Sidoo kale wuxuu faafiyey warqado wargeyso, wuxuuna dalkaas u dhoofiyey sirdoon iyo saraakiil ciidan oo sar-sare. Intaas oo keliya kagama uusa harin ee waxa uu abaabulay dadweyne fara badan oo cargaagtamaya, qaybna ka ahaa mashruucii ay ugaga takhalusi lahayd Mosaddegh; isla-markaana signaalka siyaasadeed ee Iiraan ay meeraheeda xilfi-wadaageed ugusoo dabbaali lahayd.

W/D: Barkhad Cabduqaadir Awcali
E-mail: barkhadawcali@gmail.com

Hadalsame Media