INTER MILAN VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Milano) 21 Okt 2018 – Waxaa caawa dhacaya kulanka aadka loo wada dhowrayo ee Inter iyo AC Milan oo caan ku ah magaca Derby della Madonnina, kaasoo ay isku arki doonaan kooxaha deriska ah ee Inter-Milan, iyadoo ay Inter Milan ka sarreeyso 4 dhibcood waloow ay Milan ciyaari u baaqatay.

Dhanka Inter: Waxaa sii kacaysa rajada Vecino, oo kasoo kabanaya xanuun cajirka ah: Wuxuuna Uruguayan-kani boos dhexda ah kula hardamayaa Gagliardini. Brozovic ayaa isna soo noqday, halka uu shaki ku jiro D’Ambrosio-Vrsaljko. Weerarka waa seddexleeyda Politano, Nainggolan iyo Perisic oo ka dambeeya Icardi.

Dhanka Milan: Halka boos ee uu shakiga uga jiro macallin Gattuso waa kii dadabka midig xirir lahaa Abate ama Calabria, waloow uu shalay sheegay inuu niyadda durba ka guddoonsadey. Kabtanka Romagnoli ayaa soo noqday isagoo qalbiga daafaca ku wehlinaya Musacchio. Cutrone isna waa diyaar balse kaydka ayuu ku bilaabanayaa. Caldara oo muddo maqnaa ayaa isna loo yeerey laakiin waa kayd.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 23 MIRANDA, 13 RANOCCHIA, 29 DALBERT, 20 B. VALERO, 8 VECINO, 2 VRSALJKO, 15 JOAO MARIO, 11 KEITA, 87 CANDREVA, 10 LAUTARO MARTINEZ
  • 25 REINA, 33 CALDARA, 17 ZAPATA, 20 ABATE, 93 LAXALT, 14 BAKAYOKO, 16 BERTOLACCI, 4 MAURI, 77 HALILOVIC, 11 BORINI, 63 CUTRONE, 7 CASTILLEJO

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Conti, Strinic, Montolivo

Hadalsame Media