Gonzalo Higuain oo caawa taariikh dhigi kara haddii uu gool qura dhaliyo! (Waa maxay?)

0

(Milano) 21 Okt 2018 – Qannaaska AC Milan ee Gonzalo Higuain ayaa noqon kara laacibkii ugu horreeyay ee u dhashay Argentine ee isagoo xiran maaliyadda AC Milan ee gool ka dhaliya kulanka Derby della Madonnina, gaar ahaan Serie A.

Inter ayaan arrintani ku adkayn maaddaama uu sanadkii tegey uu seddexleey u dhaliyay Mauro Icardi, yeelkeede, 168 kulan oo Milan Derby ah, laacib Argentinean ihi abid gool kama dhalin isagoo xiran midabbada Rossoneri, gaar ahaan dhanka Serie A.

Dabcan way jiraan laacibiin Derby Milano goolal ka dhaliyay oo Argentine u dhashay una safnaa Milan sida Ernesto Cucchiaroni iyo Ernesto Grillo, balse waxay ahayd kulan Coppa Italia ah oo dhacay Juun 1958.

Higuain ayaa doonaya inuu taa caawa soo afjaro, umana muuqato mid ku adag, maadaama ay Inter ka mid tahay dhibbanayaasha uu ka dheefsado, isagoo 6 gool ka dhaliyay 11 kulan.

Hadalsame Media