DERBY DELLA MADONNINA: Ka bogo lixda laacib ee usoo wada ciyaaray Inter & Milan ee goolasha ka dhaliyay Derby Milano

0

(Milano) 21 Okt 2018 – Waxaa caawa dhacaya kulanka aadka loo wada dhowrayo ee Inter iyo AC Milan oo caan ku ah magaca Derby della Madonnina, haddaba waxaannu idiin haynaa 6-da laacib ee Milan iyo Inter usoo Ciyaaray isla markaana Kulanka derby Milano goolal ka dhaliyay

1 – GIUSEPPE MEAZZA (1910-1979) Wuxuu u ciyaaray Inter sanadihii 1927 ilaa 1940 walow dib ugu soo laabtay xilli ciyaareedkii 1946-47. Iyadoo xiddigga Nerazzurri uu 12 gool ka dhaliya kulanka derby della Madonnina. Waxaana uu u wareegay Milan sanadkii1940 ilaa 1942. Inta uu Milan u ciyaaraayay waxuu Inter ka dhaliyay gool daqiiqadii 83 ‘ee ciyaartaas oo dhacaday 9 February 1941 kulnkaas barbaro 2-2 ah ku soo dhamaatay.

2 – RONALDO (Rio de Janeiro, September 22, 1976) Waxa uu u soo ciyaaray Inter Sanadkii 1997 ilaa 2002. Intii uu Inter joogay waxuu 4 gool ka dhaliyay Kooxda Milan Ciyaarta derby della Madonnina dhacdooyinkii lagu xasuusto Ronaldo intii uu Inter joogay waxaa kamid ah Calamadii Casaanka oo uu qaatay kulanka derby xili ciyaareedkii 1999-2000.

kaddib markuu suxul ku dhuftay daaficii hore ee Milan Roberto Ayala. Intaas kadib waxuu u dhaqaaqay kooxda Real sanadkii 2002. Sanado kadib Waxa uu ku soo biiray Milan Sanadii 2007dii waxuuna Wadar ahaan, Rossoneri u dhalisay 9 gool 20 kulan oo uu saftay hal kulan oo kamid ah waxaa uu ahaa derby waxaana badisay Inter 2-1 Waxuuna Inter ka dhaliyay hal gool.

3 – ZLATAN IBRAHIMOVIC (Malmo, 3 Oktoobar 1981) Kaddib Fadeexadii Calciopoli waxuu usoo dhaqaaqay Inter sanadkii 2006 kadib markii uu iska diiday in uu Serie B la aado kooxda Juvantus,waxuuna inter u ciyaaray ilaa 2009. Iyadoo maaliyada Nerazzurri ku dhaliyay 2 gool Ciyaarta derby ,Wuxuuna aaday Kooxda barcelona. Labo sano kadib Waxa uu ku soo laabtay Milan Laba xilli ciyaareed oo Rossonero ah u ciyaaray sanadihii (2010-2012), waxuu ku guuleestay Scudetto isaggoona labo gool ka dhaliyay Inter kulanka derby.

4 – ROBERTO BAGGIO (Caldogno, 18 Febraayo 1967) Waxa uu Milan uga soo biiray kooxda Juventus kadib markuu dhamaaday heshiiskii uu kula joogay Juvantus sanadkii 1995kii. Iyadoo Rossoneri uu dhaliyey labo gool kulankii Derby Milan. waxuuna Milan kategay sanadkii 1997 isagoo u dhaqaaqay Bologna yeelkadeede waxuu Milaano dib ugu soo laabtay Sanadkii 1995 isagoo markaan xiran maaliyada Nerazzurri wuxuuna gool ka dhaliyay Ciyaarta derby asoo xiran Maaliyada Inter.

5 – CLARENCE SEEDORF (Paramaribo, 1st April 1976) Waxa uu yimid Inter bishii December 1999, isagoo ka yimid Naadiga Real Madrid. Maaliyada Nerazzurri wuxuu ku ciyaaray seddex xilli ciyaareed waxuuna uu hal gool ka dhaliyay Ciyaarta derbiga. Intaas kadib Wuxuu ku biiray Naadiga AC Milan Sanadkii 2002dii iyadoo dhanka Inter uu u wareegay Francesco Coco wuxuuna Milan u Ciyaaray muddo 10 xilli ciyaareed ah (isagoo saftay 300 kulan A). waxuuna u dhaliyay 47 gool labo kamid ah goolashiisa waxuu ka dhaliyay kulanka derby.

6 – MAURIZIO GANZ (Tolmezzo, Oktoobar 13, 1968) Waxuu ahaa Laacibkii ugu horeeyay oo uu Moratti soo iibsado markii uu Inter la wareegay sanadkii 1995 waxuuna kala soo wareegay kooxda Atalanta. Laba xilli ciyaareed ee uu Inter joogay waxuu hal gool ka dhaliyay kulanka derby. Intaas kadib Waxa uu Inter uga wareegay kooxda Milan bishii December 1997dii isagoo ugu wareegay Milan 1.5 Milyan iyo Francesco Moriero ,Labo sanno ayuu ku qaatay Milan, waxuuna gool ka dhaliyey kulanka Derby-ga.

Waxaa Diyaariyay: Maxamuud Cigalle

Hadalsame Media