WARBIXIN: Maxay ka dhigan tahay qirashada Sucuudiga ee dilka Weriye Jamal Khashuuqji?

0

(Muqdisho) 20 Okt 2018 – Iyadoo xukuumadda Riyaad ee Sacuudi Carabiya ugu dambeyntii qiratay dilka Wariye Jamal Khashoggi kadib dhowr asbuuc oo jahaweer lagu jiray, ayaa sida qirashadaasi Sucuudigu u dhigay la sheegayaa inay tahay been la dhoodhoobay.

Sucuudiga ayaa sheegay in Wariyaha lagu dhex dilay Qunsuliyadda Riyaad ku leedahay Instanbul waxaana borqtooyadda Sucuudiga ay sheegtay in dilku uu yimid kadib gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo rag ka tirsan saraakiisha amniga dalka Sucuudiga. Hadalkaas ayaa la aaminsayahay inuu yahay mid sumcad loogu raadinayo madaxda sare ee boqortooyadda Sucuudiga.

Saraakiil dhowr ah oo u badan dhanka amniga ayaa shaqada laga joojiyay halka kuwa kale la xir xiray sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Sucuudiga.

Ugu yaraan 18 sarkaal ayaa sidoo kale falkaan loo xiray sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sucuudiga .

Waxaase la aaminsanyahay in madaxda sare sare ee Bortooyadda Sucuudiga ay aad ugu lug leeyihiin dilka wariye Jamal Khashoggi.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay qirashada Sucuudiga hase ahaatee waxaa uu shaki ka muujiyay in dalkiisu uu cunaqabateyn saari karo Sucuudiga.

Trump ayaa sheegay inaysan wax sahlan ahayn in Maraykanku khaasariyo lix boqol oo kun oo shaqo iyo ganacsiga faa’iidada badan ee kala dhaxeeya Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa hadda looga fadhiyaa inuu meel ku sheego meydka wariyaha.

Xildhibaano ka tirsan golayaasha Maraykanka ayaa ku tilmaamay qirashada Sucuudiga mid raqiis ah oo haddana aflagaado ah taasoo la doonayo in indhaha caalamka iyo warbaahinta looga jeediyo Maxamed Bin Salaam, dhaxal sugaha Sucuudiga oo si weyn loogu tuhmayo inuu lahaa amarkii lagu qaarajiyay Jamal Khashoggi.

Laakin Qirashada Sucuudiga ayaa la sheegayaa inay tahay been la dhoodhoobay bacdamaa markii hore ay boqortooyadu si cad u inkirtay dilka weriyeha.

Baarayaasha Turkiga ee Kiiska Jamal Khashoggi ayaan ka hadlin warkaan ka soo baxay Sucuudiga waxaana la sheegayaa inay sii wadan doonaan baaritaankooda illaa meesha ugu dambeysa.

Xeer Illaaliyaha guud ee Sucuudi Carabiya Sheikh Saud al-Moje oo ka tacsiyeeyay dhimashada Jamal Khashoggi ayaa sheegay in shaqadii laga eryay Saud al-Qahtani oo ahaa la taliye sare oo boqortooyada u qaabilsan dhanka maxkamadda sare iyo sidoo kale kuxigeenkii hay’adda sirdoonka Sucuudiga ninka lagu magacaabo Axmed al-Asiri.

Hadalsame Media