TOOS u DAAWO: Mudaaharaadkii ugu waynaa ee Brexit diid ah oo London ka soconaya + Sawirro – LIVE

0

(London) 20 Okt 2018 – Kumannaan dibed baxayaal ah ayaa iskugu soo baxay Westminster wax ay qaban qaabiyayaashu ku tilmaameen “kii ugu waynaa, ugu qayla dheeraa uguna muhiimsanaa” ee lagu diiddan yahay Brexit oo ay ku sheegeen mid UK gayaysiinaya “mustaqbal aysan iyagu u codaynin.”

Ka qayb galayaasha, oo badankoodu ah dhallinyaro gayfanayaal ah ayaa mudaaharaadkooda cinwaan uga dhigay “Socodkii Mustaqbalka” waxayna bilowgii isku urursadeen Park Lane iyadoo deeto qabtay barxadda dhismaha Parliament Square, iyagoo doonaya in afti labaad la ogolaado.

“Horseedka Brexit turxaan bixiya khaladkaan, idinkaa keenay e, ogolaada cod dadwayne.” ayay u dhignayd farriin ka mid ah kuwa ay sitaan dibed baxayaasha goobta jooga.

 


Hadalsame Media