Ronaldo oo taariikh UGUB ah ka dhigay horyaallada qaaradda Yurub

0

(Torino) 20 Okt 2018 – Jookar Juve ee Cristiano Ronaldo ayaa taariikh dhigay ka gadaal markii uu noqday laacibkii ugu horreeyay taariikhda ee 400 oo gool ka dhaliya isu gayn ahaan 5-ta horyaal ee ugu waawayn Yurub..

Laacibka reer Portuguese ayaa dhaliyay hal gool oo ay Juventus ku hoggaaminayso Genoa kaasoo noqonaya goolkiisii 5-aad, 9 kulan oo Serie A ah, waxaana soo raacaya 311 gool oo uu La Liga ka dhaliyay waqtigii Real Madrid iyo 84 uu ka dhaliyay Premier League oo uu Manchester United ku meteli jirey, guud ahaan waa 400 oo gool.

Waxay ku qaadatay 497 kulan inuu Ronie 400 oo gool ka dhaliya 3-da horyaal ee waawayn ee uu kasoo ciyaaray.

Hadalsame Media