”Lukaku wuxuu karaama qaaday kooxda Manchester United!”

0

(Manchester) 20 Okt 2018 – Halyeeygii Manchester United ee Gary Pallister ayaa qannaaska kooxdaasi ee Romelu Lukaku ku eedeeyay ‘inuu xurmo darreeyay’ kooxdiisa kaddib markii uu si cad u sheegay inuu ku biiri lahaa kooxda Juventus.

Lukaku ayaa amaan kala dul dhacay Juve oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah ‘2-3 naadi’ ee ugu wanaagsan Yurub, isagoo sheegay inuu u wareegi lahaa Serie A, taasoo walaac ku beertay Pallister – oo 300 oo kulan u saftay kooxda United min1989 ilaa 1998, isagoo la qaaday 4 horyaal.

“Sheekada Lukaku ee Juventus waxay sharaf ridaysaa kooxda, gaar ahaan haddaad kooxo kale ka sheekaysid adigoo koox kale qandaraas kula jira,” ayuu yiri daaficii hore ee England oo la hadlayay 888sport.

“Haddii aad niyadda ku haysid sidaa dhib malaha, balse haddii aad sheegto dhib baan u arkaa. Gaar ahaan marka uu naadiga cadaadis saaran yahay – haddii ay taasi tahay waxa uu sameeyay – ma aha jawi la jeclaysto.” ayuu raaciyay.

Labada naadi oo isku guruub uga jira Champions League ayaa Talaadada ku ballansan gegada caanka ah ee Old Trafford.

Hadalsame Media