Kaddib qirashada Sucuudiga ee dilka Khasuuqji Maraykanka oo qir & qir ka taagan go’aankii uu qaadan lahaa! (3 qodob oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 20 Okt 2018 – Dowladda Sacuudiga ayaa goor dhow xaqiijisay in Jamaal Kashoggi uu ku dhex geeriyooday qunsuliyadda, waxayna sheegeen baaritaan hordhac ah ayaa muujinaya in arrintaasi ay timid kaddib markii ay is maan-dhaafeen qaar ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda, wali baaritaan ayaa socda, waxaanna arrintaas loo xiray, su’aalana laga waydiinayaa 18 ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda oo dhammaantoodba ah Sacuudiyaan.

In kastoo ay Sacuudiga sidaa sheegeen, haddana dad badan, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin Maraykan ah, ayaa wali aaminsan in dilka Kashoggi uu ka dambeeyo, amarna ku bixiyay dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman.

Balse xataa ay ku caddaato in dhaxal-suge Maxamed uu ka dambeeyo dilka, waa arrin jaha-wareer ku abuuraysa siyaasadda gudaha iyo dibedda ee dalka Maraykanka, sababto ah:

1) Dalka Maraykanka iskama indha tiri karaan kiiska la xiriira dilka Khashoqji, xataa hadduu Trump iska indho tiro, waxaan ogolaanayn Congress-ka (Kalfadhiga Baarlamaanka) waayo xisbiga Dimoqraadiga ayaa doonaya inay ka faa’idaystaan khaladaadka Trump oo ka tirsan xisbiga kale ee Jamhuuriga (Republican).

2) Maxamed Bin Salmaan, waa nin awood ku leh dalka Sacuudiga, waana wiilka uu dhalay boqorka haatan ka taliya dalka Sacuudiga. Tan ugu muhiimsanna waxay tahay, marka laga reebo kiiskaan Khashoqji, Maxmed wuxuu dalka Sacuudiga ka qabtay arrimo badan oo farxad-gelinaya reer Galbeedka, isagoo qorshaynaya inuu Sacuudiga ka dhigo dal qun-yar socod ah, dumarka wuxuu u fasaxay inay gaari kaxayn karaan, wuxuu xabsiga u taxaabay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan boqortooyada isagoo ku eedeeyay musuq-maasuq, sidaasi darteed, reer galbeedka waxay ka welwelayaan cidda dhaxal-sugaha beddesha waxa ay la imaan karaan.

3) Maraykanka marna kama maarmo Sacuudiga! Sababtuna ma ahan SHIDAALKA faraha badan ee ay sacuudiga u dhoofiyaan Maraykanka, balse waa la dagaalanka Iiraan & bad-baadinta Israa’iil. Xaqiiqada jirta ayaa ah, sababta ugu weyn ee ay Maraykanka iyo Sacuudiga u saaxiibeen waa nacaybka iyo cadaawadda wadajirka ah ee ay u qabaan dowladda Iran, taasoo iyadana saaxiib la ah Ruuskha oo loolan adag kula jira Maraykanka.

Sidaasi darteed, Maraykanka hadday lumiyaan xiriirka Sacuudiga, waxaa kala dhantaalmaya awoodda & saamaynta ay ku leeyihiin bariga dhexe, taasoo halis gelin karta danihiisa istaraatijiga ah iyo jiritaanka Israa’iil, isla markaanna keeni karta is-beddel siyaasadeed oo ay hor-kacayaan Iiraan & Ruuskha oo gobolka ka hana qaada.

Ugu dambayn, aan ka warsugno natiijada kama dambaysta ah & halka ay ku dhammaato sheekadaan!

Waxaa Diyaariyay: Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media