Faahfaahin ku saabsan odayaal iyo dhalinyaro lagu afduubay gobolka Gedo

0

(Muqdisho) 20 Okt 2018 – Wararka laga helayo deegaanka fax faxdhuun oo ka tirsan gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi laga afduubay odoyaal iyo dhalinyaro deegaanka ah.

Ururka Al-Shabaab oo la sheegay inay ka dambeeyeen afduubkaan ayaa la sheegay in dadka ay wateen ay ku jiraan odoyaal caan ka ah deegaanka iyo sidoo kae dhalinyaro.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in dadka ay afduubteen ku tuhunsan yihiin Basaasnimo sida la sheegay kadib duqeymo dhowr ah oo deegaanada gobolka Gedo ka dhacayay maalmihii dambe.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo soo badbaadin lahaa odoyaasha iyo dhalintarada la sheegay in xalay Al-Shabaab ka afduubeen fax faxdhuun.

Hadalsame Media