Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday inay jawaab deg deg ka bixiso khilaafka kala dhaxeeya maamuladda

0

(Muqdisho) 20 Okt 2018 Aqalka Sare ayaa Madaxda sare ee dowladda federaalka gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo u qabtay in sadex cisho gudahood uu jawaab uga bixiyo khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleeyadda.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xukuumadda la daaheen jawaabihii laga sugayay sida uu hadalka u dhigay

Waxaa uu sheegay inay dhamaatay muddadii madaxda sare ee dowladda ay ahayd inay jawaab ka siiyaan aqalka sare khilaafka taagan sidaa daraadeed looga baahan yahay madaxweynaha in ilaa 22ka bishan uu jawaab deg deg ah bixiyo.

Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa sheegay in madaxda dowlad gobolleedyada hore uga aqbaleen in shirkooda ay dib u dhigaan laakin dhinaca dowladda federaalka wax jawaab ah laga waayay.

Hoggaamiyaasha dowlad gobolleedyada marka laga reebo Hirshabelle ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo ay ku yeelanayaan shir wadatashi ah.

Hadalsame Media