”Bishii waxaan qaataa $300 oo doollar oo qura!” – Maxay Somalia ka baran kartaa Dr Cabbeey Axmed

0

(Addis Ababa) 20 Okt 2018 – RW Itoobiya Dr Cabbeey Axmed Cali ayaa sheegay inuu bishii oo dhan uu mushaar u qaato $300 oo doollar, wuxuuna sheegay in ujeedkiisu uusanba ahayn inuu ka xoolaysto xilka uu hayo, balse uu doonayo inuu dalkiisa ka dhigo tusaale dhaqaale iyo mid dimoqraadiyadeed oo la tilmaansado (model), taasoo u eg nooca hoggaamineed ee ay Afrika u baahan tahay.

“Waxaan shaqeeyaa 7-da maalmood ee usbuuca waxaana qaataa $300 oo doollar bishii,” ayuu yiri RW Cabbeey oo ku sugnaa Qasriga Menelik Palace, oo ah xarunta uu ku yaalla xafiiskiisa Addis Ababa.

“Taajir ma ihi, balse musuq noqon maayo, waxaan leeyahay xafiis caadi ah oo aan aad loo naashnaashin, balse waxaan xiisaynayaa isbeddel dhaca,” ayuu raaciyay, isagoo muujiyay inuu isagu doonayo in la is waafajiyo qoowlka iyo ficilka si ka duwan madaxda beenta badan ee qaaradda feceed ka hartay ee Afrika.

“Inta badan siyaasiyiinta, way yaqaannaan sida dimoqraadiyad loo qeexo, balse ma yaqaannaan sida loo hirgeliyo,” ayuu soo jeediyay, isagoo sheegay in ay taasi tahay waxa fashiliyay TPLF oo 20 sano dimoqraadiyad afka ka sheegaysay balse sida uu yiri 100% iyagu haystay kuraasida baarlamanka, cod 2-aad iyo fikrad tooda dhaafsiisanna aan marna ogolayn.

Su’aashu waxay tahay maxay ka BARAN KARTAA Somalia oo ay xitaa xildhibaannadii xeerka dhowri lahaa ay kumannaan doollar iyo laaluush ku shaqeeyaan?

Hadalsame Media