Aaway qofkii soo dejiyay Khamriga la burburiyay? + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Okt 2018 – Maamulka Dekedda Muqdisho iyo kan Gobolka Banaadir, iyaga oo fulinaya Amarka madaxda sare ee Dowladda ee ah la dagaalanka wax is daba marinta, waxay shalay meel fagaare ku bur bururiyeen konteenarro khamri ah.

Laakiin illaa iyo hadda cid sheegtay ma jirto kuwii khamradan lahaa ee dalka soo galiyey….
Toloow Konteenarradi ma dekedda ayay kusoo caariyeen oo badda ayaa soo tuftay, mise Markab ayaa laga dajiyey?

Yaa leh… yaa soo dejiyey… kuwii keenay aaway…. ciidanka Canshuuraha qaabilsan ee dekedda ka howl gala, cidna uma soo qaban sow maaha? Ogoow ma aha markii ugu horreeysey ee aan maqalno arrintan, laakiin abid ma arag qof iyo qofaf lasoo bandhigay.

MUSUQ HADDAAD MAQASHO WAA KANE ISKA BARO.!!

Waxaa Diyaariyay: Qaasim Cabdulle Xuseen

Hadalsame Media