”Waxay doonayeen inay i dilaan!” – RW Cabbeey Axmed oo kashifay arrin cusub

0

(Addis Ababa) 19 Okt 2018 – RW Ethiopia ee Abiy Ahmed ayaa sheegay in qaar ka mid ahaa askartii todobaadkii tegey soo gashay dhismaha uu ka tirsan yahay xafiiskiisu ay doonayeen inay isaga dilaan, wuxuuna xilligaa xaajada ku dejiyay inay sameeyay bush-up.

Md Abiy ayaa la arkayay iyagoo wada qoslaya, balse wuxuu sheegay inuu niyadda ka holcayay oo uusan ‘’faraxsanayn’’,  isagoo muujiyay inay jiraan duul doonaya inay turaanturreeyaan dadaallada isbeddel doonka ah ee uu horseedka ka yahay ee socdey 6-dii bilood ee tegey.

“Qorshihii ay ciidamadu kusoo galeen Qasriga [xafiiska RW] kaliya ma ahayn sharci darro balse wuxuu sidoo kale ahaa khatar wayn, maxaa wacay ujeedku wuxuu ahaa in lagu hor istaago isbedellada aannu wadno,” ayuu yiri Md Abiy oo xildhibaannada oo su’aalo waydiinayay la hadlayay.

“Yeelkeede, kaddib markii xiisadda la xakameeyay, waxaa la maqlayay qaar ka mid ah askarta oo hoos iskugu sheegaysa: ‘Wuu naga baxsaday intaynaan dilin.”

Hadalsame Media