HAWEENAYDII HARAMCADKA NOQOTAY: Gabar Afrikaan ah oo eedday dawo ay isku caddaysay!

0

(Witbank) 19 Okt 2018 – Haweenay ayaa la kulantay arrin aysan mahadinin kaddib markii ay jirkeeda mariisay baliij (bleach), iyadoo durba caan ka noqotay baraha bulshada oo ku naanaysay ”haweenaydii Haramcadka noqotay.”

Owethu Mlilo, oo u dhalatay Koonfurta Afrika, waa dhibbanihii ugu dambeeyay ee eedda waxyaabaha la isku caddeeyo, tiiyoo ay jirto in dhowr mar oo hore looga digey dawooyinkan oo laga keenay Shiinaha, iyadoo eedda saartay saaxiibteed oo ay sheegtay inay ku qalqaalisay, iyadoo ”niyadda ugu dhistay” inay iyadu ku ”cadaatay.”

WAXAY KA FIKIRAYSAA INAY XIJAAB QAADATO

Gabadhan ayaa meeshii ay tagtaba si la yaab ku jiro loo eegaa, waana mid ku dhalisay inay haatan ku fikirto inay qaadato xijaab aan dar ALLE ahayn, isla markaana aad uga shallaaysan falka ay ku dhaqaaqday.

“Ku faan midabka jirkaaga. Waxaad ku qurxoon tahay sida aad tahay ee ha isku dayin inaad bedesho sida aad tahay.”

Mlilo oo ku nool magaalada Witbank, ayaa iminka qaadata dawooyin ay ku yareeynayso waxyeellada jireed ee uu baliijku u gaystey.

Hadalsame Media