4 qodob oo weli ka KHALDAN shaqada Golaha Wasiirrada!

0

(Muqdisho) 19 Okt 2018 – Waxaa shalay la qabtay bandhig ay sameeynayeen Golaha Xukuumadda oo iyagoo wada jira oo uu sidoo kale fadhiyo Rw Khayrre uu shir guddoominayay madaxwaynaha Somalia Md Farmaajo.

Waxaa shirka ka muuqdey waxyaabo badan oo qurux badan sida hufitaanka qaabka iyo aaladaha elektaroonigga ah ee ay ku shaqeeyaan Golaha Wasiirradu, waxaa sidoo kale muuqata inay ilaa xad toosan yahay tubaha shaqo iyo kuwa qorshe ee loo dejiyay, waxaa kale oo qurux badnaa xafiiska laftiisa. Waxaa sidoo kale wax badani iska bedeleen bandhigga wada shaqayneed iyo ku hadalka hal af oo aad usoo hagaagey.

Sidaa darteed, waxaa mudan in xukuumadda iyo guud ahaanba dowladda lagu dhiirri geliyo sii ballaarinta iyo amba qaadista waxyaabaha wanaagsan ee ay ilaa haatan ku tillaabsadeen.

MAXAA HADDABA WELI KHALDAN?

1 – Golaha Wasiirrada waxaa ku badan biigga ama dadka aan ka bixi karin shaqooyinka ay u xil saaran yihiin, sidaa darteed waa in dhankaa la tayeeyaa oo la is waafajiyaa shaqada taalla iyo qofka qabanaya, in kartida qofku muhim tahay waxaad ka garan kartaa wax soo saarka Wasaaradda Maaliyadda oo uu joogo Dr Bayle.

2 – Shaqada Wasiirrada kuma jirto amaanta madaxda, haddii ay madaxdu qabato shaqo wanaagsan waxaa u mahad celin doona shacabka ALLE agtiisana ajar ayay ka helin doonaan, yeelkeede, anshax ahaan iyo nidaam ahaanba ma qurux badna inaan aragno madax iyadii is amaanaysa, erayada amaanta ah ee Fakhaamatu Ra’iis, Ra’iisul Wasaare, His Excellency iwm iyo xitaa sawirrada meelaha la surayo wax dal dimoqraadi ihi ku dhaqmo ma aha mana loo baahna, waayo waxay dilaysaa khudduuca iyo hogashada madaxda, kibirka, xukun jacaylka iyo isla wayninkana waa kordhisaa.

3 – Wasiirrada qaar ayaa ka baxa moowduuca ama ajendaha laga hadlayo, sidoo kale wasiirna xaq uma laha inuu ka hadlo shaqo khuseeysa wasaarad kale, haddii aysan markaa taagnayn howlo iskugu darsan, maaddaama ay wada shaqeeyn khasab tahay, sida uu shalay sameeyay Md Maareeye oo furay dood aan marna loo joogin, marna aanba khuseeynin wasaaraddiisa oo ganacsi iyo wershado ku magacaaban. Wixii gobol gaar ah laga yeelayo waa inay ka degsanaataa siyaasad qaran oo wadareed, taasoo ay tahay inuu ku biraysnaadaa wasiirku, haddii ay cidi dood ka qabtana waa shaqo Baarlamanku ka doodi karo.

4 – Wasiirka waxaa ku ceeb ah inuu u muuqdo nin meesha qolo gaar ah ku metela, ha noqoto cabir khaldan in lagu gu soo xulay hannaanka buka ee 4.5, laakiin taasi ku siin mayso sharciyad aad beel ama gobol gaar ah ugu dooddo, qof kasta oo dowladda ama laameheeda kala geddisan ka tirsani wuxuu u taagan yahay QARANKA SOOMAALIYEED oo ku leh u adeegis hufan oo ku dhisan hannaan sinnaan iyo cadaaladi ku jirto.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media