Waaxda Socdaalka Sweden oo hakisay go’aankii lagu musaafurin lahaa 6-jir reer Ukraine ah + Sawirro & Muuqaal

0

(Stockholm) 17 Okt 2018 – Warqaadka kasoo baxa dalkan Sweden ee Aftonbladet ayaa qoraya in wiilkii yaraa ee lix jirka ahaa ee Denis ee hooyadii oo haatan dhimatay Sweden kula noolaa uu kusii negaanayo Sweden.

Denis ayaa hooyadii la yimid 2015-kii, isagoo kasoo tegey magaalada Uzhorod ee Ukraine.

Bishii Maarso ee sanadkan ayaa wiilka hooyadii oo mayd ah laga helay guri ku yaalla Södertälje oo u dhow Stockholm, taasoo loo qabtay nin ay xiriir lahaayeen kaasoo markii dambe dembi lagu waayay, balse Waaxda Socdaalka Sweden ayaa soo saartay go’aan ku saabsan in wiilka loo celiyo dalkiisa, arrintaasoo dood dhalisay maadaama uusan wiilku cidna ku lahayn xagga.

Halkan ka DAAWO…

Wiilka oo ay hooyadii 2015 u dalabtay rukhsadda deganaanta balse diidmo la siiyay isla sanadkii xigey, waxayna kusii adkaysteen isla go’aankaasi markii codsi kale loo gudbiyay, tiiyoo ay hooyadii dhimatay, iyagoo diidey codsi ka yimid hooyada waalidkeed oo Sweden deggan.

Si kastaba, iminka ayayay Waaxda Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ay go’aankaa hakisay, iyagoo sheegay in go’aankii hore deg deg lagu gaarey oo aan dhinacyo badan wax laga xeerin.

– Waxaan dhihi karnaa go’aankaas deg deg baannu ku gaarney. Waxaa jira tillaabooyin baariseed oo ay ahayd inaannu xisaabta ku darno. Hadda ayaanse ka shaqaynaynaa kuwaas, ayuu yiri Per Ek, oo ah ninka warfaafinta ugu qaybsan Migrationsverket.

– Weli wuxuu la shoogsan yahay geerida hooyadii, aad buu u ooyayaa isagoo ka cabsanaya waxa dhacaya, ayay tiri ayeeyadii Marianna Ilkuv oo la hadashay Aftonbladet.

Hadalsame Media