Reer Aala Sucuud oo iyagu duminaya wixii ay dhiseen (Maxaad ka taqaannaa Hay’adda Baycada ee soo xusha dhaxal-sugaha?)

0

(Riyaad) 18 Okt 2018 – Hay’adda Beycada Sacuudigu waa gole ka kooban 34 nin oo dhammaantood ah qoyska Aal Sacuud. Waxaa la dhisay 2006, hawsheeduna waa in ay doorato kolba dhaxalsugaha boqornimada. Baahida in la dhiso keentay waa qoyskii Aal Sacuud oo aad u tarmay, is la markaa ay wada dhinteen ama gaboobeen walaalihii Ilmo Cabdicasiis ee dhaxaltooyada da’da ku ka la xaq lahaa.

Waa hay’adda markii kowaad dhaxaltooyada u dooratay Maxamed bin Salmaan, kaas oo aan dhaqan ahaan xaq u lahayn, doorashadaas oo ku timid qalqaallinnimo iyo xishood darro badan oo ay ninkan iyo aabbihiisa boqorka ahi golaha ka dhex sameeyeen.

Haddaba iyada oo ay soo baxayso in dadqal Maxamed kan la ga inaabsaday la beddeli doono, waxaa muuqata in Hay’adda Beycada Sacuudigu diyaarinayso in ay ku beddesho walaalkiisa ka yar, Khaalid bin Salmaan oo dhashay 1988, kaas oo kalhore la ga dhigay danjiraha Maraykanka.

Haddaba Khaalid waa kuma? Waa kuray maskax yar tacliintiisuna hoosayso. Akaademiyada Ciidanka Cirka Sacuudiga ayuu madaddaalo ahaan u dhigtay si magac loo gu yeelo, laba jaamacadood oo Maraykan ah iyo Jaamacad Faransiis ahna wuu is qoray aanu waxba ka baran. Sidaa darteed in uu dabadhilif Maraykan dhaansado yahay mooyee ma jirto awood qofnimo oo kale oo uu ku badbaadin karo qoyskan sii galbanaya.

Mid kalena waa xaqiiqo la hubo. Ama Hay’ad Beyco ha sameeyeen ama wax kale ee reer Aal Sacuud wax ay noqdeen qabiil weyn oo ka la dan ah, waxaana ka dhex socda loollan dhimasho ah.

Sidaa darteed wax wal oo ay waqtigan badbaadinta dawladdooda ku sameeyaan waa dadaal tacabkii ba’ay. Gabbal dhacay la ma soo celin karo.

Khaalid bin Salmaan

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media