20 sano kaddib 8 sababood oo weli loo xiiseeyo film-ka Kuch Kuch Hota Hai (Qaybtii 2-aad)

0

(Mumbai) 18 Okt 2018 – Waxaa 20 sanadood laga joogaa markii la sameeyay Film-ka Kuch Kuch Hota Hai ama wax-wax baa dhacaya oo ah film bilowgii blockbuster-ka u noqday Karan Johar, haddaba aannu yara eegno waxa aalaaba cagaaran ka dhigay mid aan dhicin ama aan xiisihiisa la dhigin. Qaybtii 1-aad halkan ka akhri.

Xarigga saaxiibtinnimada Rahul

Lebiska duwan ee dhallinyarada, qaabka timaha loogu jaray Anjali, funaanadaha cajiibka ah ee Rahul (Polo T-shirts), lebiska Tina, waxaas oo dhami waxay dhisayeen muuqaalka qaab lebiskii 90-ka iyo astaamaha saaxiibtinnimada.

Xiriirka aabbe & gabadhiisa

Dabarka Rahul ku xiraya gabadhiisa Anjali wuxuu ka mid ahaa xiriirrada ugu qurxoon ee jilliin lagu muujiyo abid! Xusuuso waxa dhacaya marka uu Rahul gabadhiisa u diiddan yahay inay ka qayb gasho booqashada ardayda ee xagaaga!

DIB U MIDOWGA LAMA FILAANKA AH!


Ah! Qiyaas muuqaalka ay Rahul iyo Anjali dib u kulmayaan kaddib dhowr sano. Waxaa hubaal ah inuu dhoolla caddaynayay qof kasta oo markaa daawanayay.

Muusigga & laxanka


Bal arag heesta hal ku dhegga u ah film-ka ee ‘Kuch Kuch Hota Hai’ ama ‘Ladki Badi Anjani’, ama ‘Koi Mil Gaya’, waa hubaal inay dad badani xusuustaan xitaa miraha heesahaasi!

ISBEDDELKA NAXDINTA LEH (FASHIL)

Muuqaalka ay Anjali (Kajol) ay kaynta ku ordayso kaddib markii ay in yar la joogtey Shah Rukh Khan, waxaa u imanaya qof kaddibna waxay iyadoo sii jeedda leedahay “waa ku jeclayay” iyadoo moodaysa inuu yahay Rahul (Shah Rukh Khan) balse waa Aman (Salman Khan)! Wax baa ka dhacay!

Dhamaad…

Hadalsame Media