Xusuusta DILKII madaxweyne CC Sharmaarke iyo astaan uu kaga duwanaa madaxda kale

0
588

(Hadalsame) 17 Okt 2018 – Oktoobar, waxaa ku jira maalmo aysan umadda Soomaaliyeed jecleyn in ay xusuusato, gaar ahaa bartmeheeda. 14kii Oktoobar oo shalay ku beegneyd waxa ay tahay, noqotay, ahaanna doontaa maalin qof walba oo Soomaali ah ku xusuusto qaraxii Zoope ee galaaftay dad gaaraya 600 qof.

Maalin kaddib, oo ku began maanta 15-ka Oktoobar, iyaduna waa maalin murugo iyo tiiraanyo u leh dadka Soomaaliyeed, waa maalin la khaarajiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharmaarke (AUN), sanadkii 1969kii.

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa Laascaanood ku dilay askari ka tirsanaa ilaaladiisii xilli uu booqasho ku marayey gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Maanta oo ay ka soo wareegtay 49 sano dhacdadaas xanuunka badan, waxaan qormadan ku eegi doonnaa astaan ka mid ah kuwii uu caanka ku ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaalia Dr Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN), astaantaas oo uu uga duwanaa dhammaan madaxdii isaga ka horreeysay iyo kuwii ka dambeeyey.

NAXARIIS IYO DAMQASHO

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa lagu tilmaamay sida uu iigu warramay General Jaamac Maxamed Qaalib oo ah barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya, in uu ahaa hoggaamiyihii ugu NAXARIISTA iyo damqashada badnaa ee so maraya dalka.

Marka laga yimaado in uu ahaa hoggaamiye cibaadada ku wanaagsan hadanna wadani dhab ah sida laga dareemi karay go’aanaddii uu ka qaatay xidhiidh u jariddii dowladda UK oo iska indha tirtay rabitankii shacabka NFD (Soomaalida Waqooyi Bari, Kenya) ee ahaa in ay la midoobaan Soomaaliya iyo heshiiskii qarsoodida ahaa ee uu la galay Midowgii Soofiyeeti sii loo dhiso ciidamada qalabka sida ee dalka, waxaa u dheereyd NAXARIIS iyo Damqasho BILI’AADANNIMO.

General Jaamac Maxamed Qaalib oo iga warrmaya sifooyinkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN) ayaa tusaale ii siiyey dood kulul oo ku dhexmartay isaga iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Golihii Baarlamaanka.

Xilliga ay doodad dhexmareyso, Cadirisaaq waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaare halka Cabdirashiid Cali Sharmaarke ahaa xubin Baarlamaan, balse xukumadda ku ah mucaarad.

Maxaa dhacay?

Doodda waxa ay ku soo aaday xilli ay soo baxday warqaddii casseyd/guduudneyd ee caanka baxday (Boosta Roosa), taas oo uu Ra’iisul Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen shaqada uga eryey shaqaale rayid ah oo gaarayey 300.

Cabdirashiid oo aad uga xun shaqada laga eryey shaqaalaha rayidka ah, ayaa Golaha Baarlamaanka dhexdiisa ku eedeeyey Raiusl Wasaaraha isaga oo sheegay in uu  dabka ka dambiyey qoysas badan maadama uu shaqada ka eryey shaqaale baahi qabay, hase ahaatee, Raiusl Wasaare Cabdirisaaq ayaa ugu jawaabay in uu xaliyey wax uu isaga karti u waayey maadama uu yareeyey shaqaalihii dowladda ee qaarkood mushaar xukumadda culeys ku ah qaadanayey oo aysan shaqo lagama maarmaan ah u hayn. Hase  ahaatee, buuq dhashay owgiis, Cabdirashiid oo damcay in uu jawaab caliyo, ayaa waxaa cod baahiyihii ka xiray guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka oo maalintaas shir guddon ahaa, Shikh Mukhtaar, oo tallaabaas darteed markii dambe ku noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dareenkaas, Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka bixiyey shaqaalihii uu eryey Ra’iisul Wasaare Cabdirisaaq oo kaliya kuma koobna ficiladdii muujinayey naxariistiisa, balse waxa ay noqotay mid saameyn iyo raadba ku reebtay bulshadii xilligaas.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AUN), ujeedadii uu shaqaalaha u dhimayey waxa uu ku sheegay in ay ahayd isu dheelitirka miisaaniyadda dowladda iyo shaqaalaha. Dowladdiisii waxa ay caan ku ahayn la dagaalanka musuq maasuqa, waxaana loo  yaqaanay KARTI iyo HUFNAAN.

FG: Waxaa iiga sheekeeyey General Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya ee Jaamacadda.

W/Q: Mohamed Muse Adan (Moh’ed Kaafi)
Email: Muhamedkaafi@Gmail.com
Facebook: Mohamed Kaafi

Hadalsame Media

 

Facebook Comments