Xukuumadda Riyaad ee Sucuudi Carabiya oo boqol Milyan oo doolar siisay Maraykanka (Sababta)

0

(Muqdisho) 17 Okt 2018 – Iyadoo ay taagan tahay dooda hareysay kiiska wariye Jamaal Khashoggi oo shaki badan uusan ku jirin in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul ayaa waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in Xukuumadda Riyaad maalinimadii shalay ay maraykanka ku wareejisay lacag dhan boqol milyan oo doolar.

Lacagtaan ayaa lagu sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn kiiska wariye Jamaal Khashoggi hase ahaatee Sacuudigu uu hore bishii Agoosto ee sannadkan u balan qaaday Maraykanka si markaa uu gacan uga gaysto dagaalka ka socda Siiriya gaar ahaan lacagta ayaa loo isticmaali doonaa sida la sheegay barnaamijyo ay ka mid yihiin xasilinta Siiriya, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha , caafimaadka iyo waxyaabo kale.

Warbaahinta Maraykanka oo aad wax uga qortay sababta lacagta ku soo beegtay xili ay taagan tahay dooda wariye Jamaal Khashoggi ayaa dhinaca kale suaal galisay Booqashada xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo uu tagay Isniintii dalka Sucuudiga.

Yeelkeede Saraakiisha Maraykanka u qaabilsan hawlgalka Isbahaysiga Siiriya ayaa gaashaanka ku dhuftay in booqashada Mike Pompeo ay wax xiriir ah la leedahay lacagtan faraha badan ee Sacuudigu ku shubay tallaadadii bangiga dhexe dowladda Maraykanka.

Hadalsame Media