RW Kheyrre oo shaqo joojin ku sameeyay mid ka mid ah golaha wasiiradda

0

(Muqdisho) 17 Okt 2018 – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa la sheegay in shaqa joojin uu ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Xeer ilaaliyaha Qaranka uu Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in shaqada laga joojiyo Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga.

Lama oga sababta rasmiga ee ka dambeysa arrintaan, balse waxaa la hadal hayaa waxyaabo kala duwan.

Hadalsame Media