Maamulka Koofur Galbeed oo beeniyay in guddi doorasho la magacaabay

0

(Muqdisho) 17 Okt 2018 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye ayaa beeniyay inuu magacaabay guddiga doorashada madaxwaynanimo ee maamulkaasi oo dhawaan la qaban doono.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Baydhabo ayuu sheegay in warqad been abuur ah oo uu isagu ku saxiixan yahay laga sameeyay taasina ay tahay war aan waxba ka jirin.

Hase ahaatee waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu ku hawlan yahay soo magacaabista guddiga doorashada maamulkaasi kaasoo waajibaadkooda uu noqon doono diyaarinta jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo socota ee November, waxaana musharixiinta ka mid ah Mukhtaar Roobow oo hore uga tirsanaan jiray Al-Shabaab.

Hadalsame Media