DEG DEG: Qarax wayn oo lala eegtay jaamacad ku taalla Ruushka & dad badan oo ku dhintay + Sawirro & Muuqaal

0

(Crimea) 17 Okt 2018 – Qarax wayn ayaa ruxay magaalo Kerch la yiraahdo oo ka tirsan gobolka Crimea, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qofood, halka ay 50 ka badan ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa lala eegtay Jaamacad ku taalla magaaladaasi, iyadoo isbitaallada loola cararay dadkii dhaawacmay, sida ay sheegayaan kooxaha gurmadka deg degga ah oo markiiba halkaa loo diray.

Qaar badan oo ka mid ah dhaawaca ayaa xaalad halis ah ku jira, waxaana goobta bilowgiiba gaarey ardayda caafimaadka ka barata isla jaamacadda.

Magaalada Kerch oo ay ku nool yihiin ilaa 147,000 buundo wayn oo dhowaan la dhisayna ay Ruushka ku xirto, ayaa loo arkaa midda ugu qadiimisan Crimea oo idil, waxayna ku taalla dhanka ugu bariyaysa Crimea oo ah gobol uu Ruushka ka xoogey Ukraine. Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda.

Hadalsame Media