SAWIRRO: Dowladda oo dhiiragalinaysa beeraleyda Soomaaliyeed (Sababta)

0

(Muqdisho) 16 Okt 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka iyo wax soo saarka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka mustaqbalkana ay ugu dhoofiyaan dunida.

Mr. Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta beeralayda Soomaaliyeed oo lagu qabtay maanta Muqdisho ayaa sheegay in beeralaydu ay hoggaan u ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka.

Xilligaan ayuu sheegay inay muhiim tahay in ay soo nooleeyaan dawrkooda, qaybna ka qaataan soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed oo ku xiran isku filnaansho dhaqaale.

“Dawladdeennu waxa ay ka shaqaysaa soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Soo celinta sharaftu waa in aadan tuugsan, si aadan u tuugsanna waa in aad wax soo saartaa”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

“Marka aad isku filantahay ayaad gaari kartaa go’aan xor ah oo aad kula dhaqmi karto dunida” ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa soo dhaweeyay heshiis hay’adda cunnada adduunyada (WFP) ay 4,000 metric ton oo Ganley ah uga iibsnayso beeralayda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay tahay bilaaw wanaagsan, hadii beeralaydu ay kordhiyaan tacabka beerahana ay hey’adaha gargaarkuna kordhinayaan iibssiga dalagga gudaha si ay ugu quudinayaan dadka gargaarka u baahan ee ku nool dalalka dunida.

Hadalsame Media