QIRO AMA QARI: Sucuudigu waxay ka il duufeen 4 qodob, 2 kalena waa ku khasban yihiin!

0

(Hadalsame) 16 Okt 2018 – Saacadaha soo docda Aala Sacuud wax ay qiran karaan in Jamaal Khaashuqji safaaraddooda la gu dhex dilay. Sheeko ay si jilicsan u falkiyeen ayay ku dhihi doonaan ninkaa waxaa dilay dad sharciga ka dusay oo aan matalin dawladdooda iyo safaaraddeeda.

Si walba ha yeeleen ee dhacdadani dunida wax ay u caddaysay laba arrimood. Ta hore waa dhaqanka bahalnimada ah ee Aal Sacuud, hoosaynta ilbaxnimadooda iyo cawaannimadooda. Ta labaadna waa liidashada fikirkooda iyo dhaqankooda siyaasadeed, ee ay sii oddorosi kari waayeen sida fudud ee dhagartoodu u fashilmi karto, waayo wax ay saadaalin kari waayeen:

1) In kamaradahooda la tixraaci doono. 2) Saacadda iyo telefoonka ninkaasi sida ay u horumarsan yihiin. 3) Askartooda labada dayuuradood ku timid in aanay qarsoomi karin. 4) Nin suxufi ah oo la dilaa in aanay u qalmin khasaaraha siyaasadeed, akhlaaqeed iyo dhaqaale ee ay maamulkooda u soo jiidi karto.

Laba qodobna waa xaqiiq; Wax wal oo arrintu ku dambayso Aal Sacuud wax ay ku khasban yihiin in ay dawladaha waaweyn ku laaluushaan oo ku aamusiiyaan lacag aan xaddi lahayn iyo dano kale, is la markaas oo aanay sumcaddoodu weligeed bahalnimadaa ka soo kaban doonin.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

President Donald Trump meets with Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman in the Oval Office of the White House, Tuesday, March 20, 2018, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

Hadalsame Media