”Dayuurad dagaal oo kici kartaa ma jirto!” – Siyaasi Ruush ah oo sheegay inay haystaan S-700 + Muuqaal & Sawirro

0

(Moscow) 16 Okt 2018 – Siyaasi Ruushan ah ayaa u muuqda mid kashifay sir culus ama wuxuu hindisay mashruuc uu madaxa ka sawiray oo aan jirin, kaddib markii uu ku faanay quwadda Ruushka jeer uu ka qayb qaadanayay dood siyaasadeed.

Vladimir Zhirinovsky, oo lagu yaqaanno khudbadihiisa diirran iyo sheegashooyinka ka yaabiska ah, ayaa mar uu ka qayb gelayay barnaamij dood wadaag ah wuxuu todobaadkii tegey, ku dooday in ay tahay inuu Ruushku soo xoojiyo qorshaha uu gantaalaha S-300 ku siiyay ciidamada Syria.

“Maraykanku waxay ka cabsanayaan in ay dunida oo dhami aragto in gantaalaha S-300 ay yihiin kuwa dunida ugu wanaagsan. Kaaga darane waxaan haysannaa S-400, S-500, S-600 iyo S-700! Waxaannu gaari karnaa dunida oo idil, markaana xitaa hal diyaarad oo dagaal ma duuli karto!” ayuu Zhirinovsky ku faanay.

Hadalsame Media