20 sano kaddib 8 sababood oo weli loo xiiseeyo film-ka Kuch Kuch Hota Hai

0

(Mumbai) 16 Okt 2018 – Waxaa 20 sanadood laga joogaa markii la sameeyay Film-ka Kuch Kuch Hota Hai ama wax-wax baa dhacaya oo ah film bilowgii blockbuster-ka u noqday Karan Johar, haddaba aannu yara eegno waxa aalaaba cagaaran ka dhigay mid aan dhicin ama aan xiisihiisa la dhigin.

Saaxiibnimada Rahul iyo Anjali

Dagaal bisadeed, ciyaarta kubadda kolayga iyo is xujaynta joogtada ihi waa wax dhadhan gaar ah ku dara film-ka.

Sheekooyinka ku jira.

Rahul a.k.a Shah Rukh Khan wuxuu sheekooyinka film-ka ku jira ku muujinay aragti gebi ahaanba duwan oo ku saabsan aragtida laga haysto jacaylka sida “Pyaar dosti hai (jacaylku waa saaxiibtinnimo)” sidoo kale wiilka yar ee Punjabi-ga ah ayaa oranaya “Tussi jaa rahe ho, tussi naa jao!” ”Ma baxaysaa, fadlan ha bixin”.

Calaamadaha saaxiibnimada muujinaya
Isla sacbinta iyo san iska taabadka, waa arrin kale oo si wanaagsan loo jiley oo film-kan ku jirta.

Qaab lebiska

Maadaama uu film-ku metelayo dhallinyaro ma shallaayayaal ah oo kolej dhiganaya waxaa la adeegsaday dhar muujinaya moodooyinka markaa soca.

La soco qayb kale….

Hadalsame Media