Turkiga oo Muqdisho ka duuliyay ciidamo tababarro heer sare ah kusoo qaadanaya dalkaasi + Sawirro

0

(Muqdisho) 15 Okt 2018 – Waxaan Maanta Garoonka Aden Cade ka Duulay Saraakiil Tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

In Ka badan 60 Sargaal oo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenadii ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada Ee Turki Som ayaan Garoonka Diyaadaha Aden Cade ka duulay Waxayna ku Sii jeedeen Dalka Turkiga .

Saraakiishan maanta Tababarka loo qaaday ayaa isugu jira Layli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen , Hogaanka Maamulka Ciidanka Xoogga Iyo Saraakiil kale oo loo qaaday Tababar gaar ah oo kumaandoos ah .

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dadaaaysa Dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka, waloow ay weli muuqato habacsanaan iyo isku xirka oo aan weli xawaare fiican ku soconin.

Hadalsame Media