”Tillaabo kasta mid ka adag ayaan uga jawaabi doonnaa” – Sucuudiga oo jawaab liidata ka bixiyay arrinta weriyaha lagu haysto!

0

(Riyaad) 15 Okt 2018 – Sucuudiga ayaa markale ku dhacay khalad kale oo diblomaasiyadeed kaddib markii uu qaab ”nacasnimo iyo kibir ka muuqdo” uga jawaabey arrinta weriyaha lagu haysto ee Jamaal Khashuqji.

“Boqortooyadu waxay xaqiijinaysaa diidmadeeda buuxda ee ku aaddan wax kasta oo hanjabaad ah ee iyada lagu wiiqato, haddii ay ahaan lahayn in cunaqabatayn lagusoo rogo ama cadaadis siyaasadeed oo kale la saaro.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Boqortooyada.

“Boqortooyadu waxay kaloo xaqiijinaysaa inay ficil kasta uga jawaabi doonto mid ka adag. Dhaqaalaha Sucuudigu wuxuu dunida ku leeyahay saamayn muhiimad leh.” ayay raaciyeen.

Warkan ayaa u muuqda mid gebi ahaabna ka baxsan moowduuca meesha yaalla oo ku saabsan dilka lagu eedaynayo in ay u gaysteen weriye Khashuqji oo ku kacsanaa nidaamkooda iyo sidii ay meel u saari lahaayeen, waloow ay iyagu horay u inkireenna aysan caddayn lagu qanco keenin.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa weriyaha BBC ee James Landale u sheegay in Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Steve Mnuchin iyo Xoghayaha UK ee Ganacsiga Caalamiga ah Liam Fox aysan xaadiri doonin shir maalgashi ah oo lagu qabanayo Riyadh, kaasoo lagu naanaysay “Davos-tii lama degaanka”.

Yeelkeede, mar sii horreeysey Kaaliyaha Aqalka Cad ee Larry Kudlow ayaa hilinka ABC News u sheegay in ilaa haatan ay Mr Mnuchin u qoondeeyeen inuu ka qayb galo shirka Riyadh balse ay go’aan kale qaadan doonaan haddii “xogo kale soo baxaan”.

Shirkan maalgashiga ah ayaa waxaa marti gelinaya dhaxal-sugaha Amiir Mohamed bin Salman kaasoo Sucuudiga ka wada wax uu ku sheegay isbeddel, balse maalgeliyayaal iyo hay’aad badan oo dhanka warbaahinta reer Galbeedka ah ayaa horraanba qaaddacay.

Hadalsame Media