Muxuu salka ku hayaa booqashada RW Kheyre ee Jowhar?

0

(Muqdisho) 15 Okt 2018 – Magaaladda Jowhar ayaa laga dareemayaa xaalad ka duwan sidii caadiga ahayd waxaana socda dadaalo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in saacadaha soo socda uu gaaro Jowhar.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay.

Jowhar waa xarunta Maamulka Hirshabelle waxaana ku sugan dhamaan madaxda Maamulkaasi oo xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe uu aad u wanaagsan yahay.

Safarka RW Kheyre ayaa la sheegay inuu isugu jiro dhowr sababood oo ay ka mid yihiin dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga gobolada Hirshabelle.

Mr. Kheyre ayaa lagu wadaa in madaxda Maamulkaasi uu kala hadlo dardar galinta dagaalada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Waxyaabaha kale ee uu kala hadli doono madaxda Hirshabelle ayaa la aaminsanyahay inay ka mid yihiin xoojinta xiriirka maamulkaasi kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Hadalsame Media