Meydadka labo gabdhood oo Soomaali ah oo laga helay Magaalo ku taalla Maraykanka

0

(Muqdisho) 15 Okt 2018 – Booliiska Magaalada Chaska ee gobolka Minnesota ayaa sheegay inay heleen meydadka labo gabdhood oo Soomaali ah.

Gabdhahaan oo la waayay Jimcihii ayaa la sheegay in ugu danbeyntii meydkoodii laga helay Haro ku taalla Magaalada Chaska.

Mid ka mid ah meydadka gabadhaha ayaa laga dhex helay gaari ay wateen halka tan kalena laga dhex helay Harada biya dhexdeeda.

Magacyada labadaan gabdhhood ayaa lagu kala sheegay Zeynab Cabdalla iyo Bushra Cabdi, waxaana kahor inta aysan dhiman la sheegay inay waydiisteen gurmad deg deg ah iyagoona wacay nambarka gaaban ee Booliska ee 911.

Lama oga sababta rasmiga ee ka dambeysay geerida gabdhahaasi hase ahaatee Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan culus.

Hadalsame Media