DHEGEYSO: Maxay taageerada Soomaaliya ee Sacuudigu u dhimi kartaa xiriirka Somalia & Turkiga? (Falanqayn)

0

(Muqdisho) 15 Okt 2018 – Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay waraaq ay ku taageerayso dawlada Sacuudiga.

Warqadan ayaa ku soo beegantay xili ay xiisad ka taagan tahay Jamal Khashoggi oo ah wariye u dhashay dalka Sacuudiga oo muddo laba todobaad ah lagu la’yahay dalka Turkiga kadib markii uu waraaqo u doontay qunusliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Haddaba warqadan ay soo saartay Soomaaliya maxay ka dhigan tahay? Se wax saamayn ah ma ku yeelan kartaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga?

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac oo ka tirsan VOA ayaa arintan ka waraystay Maxamed Bullay Maxamed oo ka faalood arimaha carabta kuna sugan magaalada Qaahira.

Halkan hoose ka DHEGEYSO…

Hadalsame Media