DAAWO: Donald Trump oo markii ugu horreeysey si toos ah uga hadlay arrinta Khasoggi (Yuu ku eedeeyay dilkiisa?)

0

(Washingon, DC) 15 Okt 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa ku andacoodey in sida uu yiri ay suuragal tahay in ay khaarajiyeen oo ay dilkiisa mas’uul ka yihiin wax uu ku sheegay “dilayaal wax iskuma falayaal ah” marka ay timaaddo weriyaha Jamal Khashoggi.

Trump oo warfidiyeenka kula hadlayay beerta Aqalka Cad ayaa markii ugu horreeysay si toos ah uga hadlay kiiska la xallin la’yahay ee weriye Khashogg: “Waxay iila egtahay inay xitaa noqon karto dilayaal wax iskuma falayaal ah. Yaa og?”

Trump oo dad badani rumaysan yihiin inuu mar kasta dantiisa eeganayo ayaa xitaa isku dayay inuu qiil u raadiyo Boqortooyada Sucuudiga oo uu sheegay inay “si adag” u beenisey ku lug lahaanshiyaha arrintan, tiiyoo ay ciidamada amaanka Turkigu sheegayaan inay caddaymo hayaan ku aaddan in weriyaha lagu dhex diley Qunsuliyadda.

“Beeninta [Boqor Salman’s] wax ka adagi ma jiri karaan,” ayuu Trump ku yiri warfidiyeenka.

Mar sii horreeysey maanta, Trump ayaa sheegay in uu Riyaad u dirayo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mike Pompeo iyo “meelo kale haddii loo baahdo” si buu yiri loo turxaan bixiyo waxa ku dhacay Khashoggi.


Hadalsame Media