MAXAY KA QABTAAN? SHAKI laga muujiyay ciidamada Maraykanka ee kusii faafaya dalal ay Somalia ka mid tahay! (Qaybtii 2-aad)

0
978

(Hadalsame) 15 Okt 2018 – Saldhig wayn oo Daroon (drone) oo ku yaalla magaalada Agadez, Niger ayaa la sheegay in uu dhisme ku socdo. Saldhigaasi waxa uu hooy u noqon doonaa MQ-9 Reaper drones kuwaas oo ugu dambayn hawada gali doonta 2019.

The MQ-9 Reaper waxa ay jari kartaa 1,150 mayl taas oo u ogolaanaysa in ay fuliso cawimaad weerar iyo aruurin macluumaad sir ah oo ay ka gaysanayo Galbeedka iyo waqooyiga Afrika ayadoo oo ka kacaysa saldhiggeeda cusub ee ku yaalla duleedka Agadez.

Waxa ay qaadi kartaa bombooyinka GBU-12 Paveway II. Dayuuraddu waxa ku qalabaysan tahay raadaarka synthetic aperture oo ku hubaysan GBU-38 Joint Direct Attack Munitions. Hubka ay xambaarsan tahay waxaa ka mid afar xabbo oo gantaalaha Hellfire-ka cir-ka-dhul, lidka tiknikada iyo dadkaba.

Qiyaastii 800 boqol oo askari oo Maraykan ah ayaa Niger jooga, saldhig daroon iyo saldhigga laga dhisay Agadez. Buurta waxaa lagu sheegaa mashruuca dhisme ee ugu ballaaran ee ciidanka cirka Maraykanku haatan wado.

 Sida uu qabo Business Insider, “joogitaanka Maraykanka ee halkaani wa kan labaad ee ugu wayn Afrika, kaddib saldhigga wayn ee Maraykanku ku leeyahay dalka ee Geeska Afrika ku yaal ee Jabuuti. Afar kun oo ciidan Ameerikaan ah ayaa jooga Camp Lemonnier.  Waa saldhig istaraaji ah oo muhiim u ah milatariga Maraykanka masaafada dhow ee uu u jiro Bariga Dhexe dartiis. Saldhiggu waa midka kaliya ee si rasmi ah uu Maraykanku ugu leeyahay Afrika.

Camp Lemonnier waa xarunta shabakada daroonka Maraykanka ee Afrika taas oo loo isicmaalo weerarrada xagga cirka ah ee Yamam, Neyjeeriya iyo Soomaaliya. Sidoo kale muujinta maamulka Baab Al-Mandab.  Sannadkii 2014, Maraykanku waxa uu Jabuuti la saxiixday heshiis 20 sannadood ah oo ku kacayay $1.4 bilyan si loo casriyeeyo loona ballaariyo saldhiggaa sanadaha soo aaddan.

Bishii Maarso, Maraykanka iyo Gaana waxa ay kala saxiixdeen heshiis ciidan oo qeexayay joogitaanka Maraykanka ee Gaana oo lagu daray hawlo dhisme. Warkaasi waxa uu la kulmay bannaan baxyo dalka Gaana ka dhacay.

Waxaa mudan in la xuso in weerara daroonka ee Afrika lagu qaado ay yihiin kuwa baal marsan sharciga Maraykanka ee la meelmariyay Sebt. 11 2001, waxa uu tilmaamayaa in Madaxweynuhu awood u leeyahay weeraridda kuwa qorsheeya weerarro Maraykanka lagu qaado iyo kuwa hooy siiyaba, laakiin qaanuunkaas ma qabanayo jabhadaha ka hawlaga Afrika, waxaa dheer in aan Ghana intaaba lahayn.  Marka sabab?

Waa ay  adag tahay in la rumaysto in joogitaanka Maraykanka  ee Afrika uu shiiqayo ama yaraanayo, ma jirto si loo ogaan karo sababo badan dartood marka laga reebo kuwa la soo dusiyo mar mar. Waxaa in la xuso mudan dukumintiyada uu helay TomDispatch ee Xeerta Xornimada Xog helidda ee under the United States Freedom of Information Act waxa uu  burinayaa sheegashada saraakiisha Africom  ee xaddiga saldhigyada Maraykanku uu adduunka dacalladiisa ku leeyahay oo ay ku jiraan 36 saldhig ee Africom la isku yiraahdo oo ku yaalla 24 dal oo Afrikaan ah, taas oo aan horay loo soo bandhigin.

Raadka Maraykanka ee Afrika waa mid xooggan. Xaqiiqdii waa dibadyaal ah. Goobo waawayn ee dhisme ku socdo waxa ay Maraykanka u sahlaysaa awoodda ku hayn karo ama ay kaga duuli karaan diyaarado waawayn oo culu culus iyo guryaynta ciidanka badan iyo qalabkooda.

Arrintaan oo dhani waxa ay abuuraysaa su’aasha aan ilaa hadda laga wajaabin ee ah “halkee ciidanka Maraykanka ee Afrika joogaan? Sababtee se u joogaan?”  Hal mid waa iska waadax, waana in Maraykanku wado dagaal culus oo daroon la adeegsanayo, dhan kale waxa uu dhisayaa kaabayaal ciidan oo ballaaran oo uu u dhisayo dagaal wayn oo xagga dhulka ah. Laakiin sabab? Jawaab looma hayo!

Dhamaad

U gaar ah Hadalsame

Waxaa Tarjumey: Cali M Diini

Hadalsame Media

Facebook Comments