SAWIRRO: Dib u xasuuso Xasuuqii Soobe ee sannad kahor

0

(Muqdisho) 14 Okt 2018 – Xaaladda guud ee Magaaladda Muqdisho ayaa Saaka ka duwan sidii hore waxaana laga dareemaya murugo, tiiraanyo iyo ciil badan wajiyada dadka.

Magaaladda waxaa guud ahaan looga duceynayaa oo laga xasuusanayaan uur ku taaladii uu reebay qaraxii Soobe oo lagu dilay dad ku dhaw 700 oo qof, halka lagu dhaawacay boqolaal kale iyadoona ay ku agoontoobeen kumanaan carruur ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa isu diyaarinaya saaka maalin ka duwan maalmihii hore ee caadiga ahaa.

Wadooyinka muhiimka ee Muqdisho ayaa xiran saaka.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan xuska dadkii ku shahiiday musiibadii isgoyska Soobe 14kii octobar 2017.

Xuska xasuuqii Soobe waxay ku soo beegmaysa xili shalay galinkii dambe qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo lagu dilay ku dhawaad 20 ruux oo shacab ah iyadoona lagu dhaawacay kontomeeyo kale. Al-Shabaab ayaana sheegatay weeraradii ka dhacay Baydhabo shalay.

Hadalsame Media