POLAND VS ITALY 0-1: Talyaaniga oo final-ka Serie A u dagaallamaya & Poland oo Serie B u laabatay + Muuqaal & Sawirro

0

(Warsaw) 14 Okt 2018 – Xulka Talyaaniga ayaa gaarey guul muhim ah dhanka tartanka UEFA Nations League, kaddib markii uu 1-0 gurigooda uga soo badiyay dalka Poland.

Xulka Talyaaniga oo ciyaar aad u qurux badan soo bandhigay ciyaartana gacanta ku hayay ayaa goolal badan ku qubaystay, waxayna sugeen ilaa daqiiqaddii 90-aad oo uu goolka daafaca dadabka bidix ee Cristiano Biraghi.

Talyaaniga oo sidaa u xajistey booskiisa Serie A-da Nations League ayaa kaalinta 1-aad ku haysta xulka Portugal oo 6 dhibcood leh, halka uu isagu 4 leeyahay, waxayna 17-ka bisha soo aaddan ee Nofeembar ku ballansan yihiin garoonka San Siro ee magaalada Milano, halka Poland ay heerka 2-aad u laabatay.


Hadalsame Media