MAXAY KA QABTAAN? SHAKI laga muujiyay ciidamada Maraykanka ee kusii faafaya dalal ay Somalia ka mid tahay! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2018 – Qiyaastii 200’000 oo askari oo Maraykan ah ayaa jooga 177 dal oo adduunka dacalladiisa ah. Ciidankaasi waxa ay kala joogaan boqollaal saldhig ciidan. Afrikana kama harin (dalalka saldhigyadaas ku yaallaan).

2-dii Agoosto, Sarreeye Gaas Roger L. Cloutier ayaa la wareegay Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (Africom) waxa uu na ballan qaaday dardar galinta hawlaha Africom.

Maraykanku dagaal uga ma jiro Afrika, laakiin si xoog leh ayuu u joogaa Qaaradda. Ciidamada Navy seal-ka, Koofiyad Cagaarta iyo Ciidanka kale sida gaarka ah u tabarani waxa hadda ku guda jiraan  ku dhawaad 100 howlgal oo ka socda 20 dal oo Afrikaan ah, ayaga oo qaadaya hawlagal xaddidan oo qarsoodi ah.

Sida uu qabo Wargayska The Magazine Vice, ciidanka Maraykanku waxa ay Afrika ku sameeyaan 3,500 dhoollatus iyo carbisyo ciidan sannadkiiba, maalintiiba 10 dhoollatus, waa sare u kac  layaab leh oo gaaraya 1,900%, tan iyo markii hawlgalkan Africom xarigga laga jaray 10 sannadood ka hor. Hawlgalladda badankooda waxaa loogu yeeraa “la’talin iyo caawin” waa kuwa aan runtii laga sooci karin hawlgal ciidan oo toos ah.

Hadda 7,500 oo ciidan Maraykan ah oo ay ku jiraan 1,000 qandaraaslayaal ah ayaa Afrika jooga. Haddii la barbarshigo gu’ ka hor 6,000 oo kaliya ayaa joogay. Ciidanku waxa ay ku firirsan yihiin 53 dal oo ka mid ah 54-ta dal oo qaaradda madoobi ka kooban tahay. In ka badan 4,000 oo ciidankan ihi Bariga Afrika ayay joogaan. Ciidanka Maraykanka ee Soomaaliya jooga sannadkii hore waa uu labo-laabmay.

Markii Africom la aasaasay ma jirin qorshe saldhigyo ay ciidamo rigli ah oo goobjoog ihi fadhiyaan looga samaynayo Afrika. Balse maanta, shabakado yaryar oo saldhigyo ah meel kasta fud kasoo yiri. Sida uu qabo Nick Turse oo ah wariye dabagale ah, saldhigayada hawlagallada Maraykanka iyo goobaha  iskaashiga nabadgalyada haddii la tiriyo waa kontomeeyo, ugu yaraan.

Ciidanka Maraykanka ee khatarta ku jira waxa ay joogaan Algeria, Burundi, Chad, Congo, Djibouti, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Libya, Somalia, Sudan, South Sudan Tunisia, iyo Uganda waxaana ku baxa kharashaad dheeraad ah.

Taliska Africom waxa ay ku hawlgalaan diyaarahada aan duuliyuhu wadin ee wax basaasa, weerarro xuduudaha ka tallaaba iyo sirdoon.  Africom waxa ay sheegataa in fuliso arrimo lagu dhisayo kaabayaasha sida horumarinta, caafimaadka dadwaynaha, tababarro xirfadeed, kuwa nabadgalyo iyo kuwa kale oo bini’aadanimo.

Saraakiil ka socda Arrimaha Dibadda, Gudaha, Beeraha, Tamarta, Ganacsiga iyo Caddaaladda iyo kuwa kale ayaa hawlaha socda ku lug leh. Ciidamada caadiga ah ee ka jooga ayaa ka tira badan diblomaasiyiinta Safaarado badan oo Maraykanku ku leeyahay Qaaradda Afrika.

Sannadkii hore afar askari oo Maraykan ah ayaa noloshooda ku waayay dalka Niger. Badi dadka Maraykanku maba ogayn in Maraykanku hawlgallo ciidan ka wado Afrika ka hor dhacdadii Niger ka dhacday. Hal askari oo Maraykanka ah ayaa lagu dilay Soomaaliya bishii Juun.

La soco qayb kale….

U gaar ah Hadalsame

Waxaa Tarjumey: Cali M Diini

Hadalsame Media