Inter Milan oo Modric ku noqonaysa Jannaayo! (Modric-ka cusub oo sidoo kale lala xiriirinayo)

0

(Milano) 14 Okt 2018 – Inter Milan ayaa u diyaar ah in ay soo noolayso dalabkii ay ku doonaysay laacibka Real Madrid ee u sharraxan Ballon d’Or ee Luka Modric, sida uu dhigan Corriere dello Sport.

Sida uu qabo warsidahan Talyaaniga ihi, laacibka caalamiga ah ee reer Croatia, kuma faraxsana Bernabeu wuxuuna u furan yahay inuu tago, waloow qaabka ay Nerazzurri u wajahdey helitaanka Modric xagaagii uu ka xanaajiyay Real Madrid, oo xitaa FIFA u dacwootey, kooxdana saxaafadda ka cambaaraysay.

Si kastaba, maanta warsidaha Corriere dello Sport ayaa sheegaya in 33-jirkani uusan la dhacsanayn macallinka cusub ee Julen Lopetegui iyadoo uusan wanaagsanayn xiriirka madaxwayne Florentino Perez.

Yeelkeede, haddiiba ay Inter heleeyso Modric waxay ku xiran tahay Real Madrid oo hesha xiddig caalami ah, hadduu doono yuusan ku boos noqone, waxayna doonayaan Neymar ama Kylian Mbappé oo u wada dheela Paris Saint-Germain.

Dhanka kale Tuttosport, ayaa qoraya in Inter aysan Modric u socone ayba soo arkatay wiil lagu naanayso ”Modric-ka cusub” oo ah 22-jirka Ivan Sunjic, kaasoo ay leedahay Dinamo Zagreb, balse haatan u safta NK Lokomotiva isagoo durba xulka waawaynka dalkiisa hal kulan u saftay.

Hadalsame Media