DEG DEG: Madaxwayne Farmaajo oo safar aan la sii shaacin ku tagay Magaaladda Marka (Sababta)

0

(Muqdisho) 14 Okt 2018 – Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe sannad kahor.

Ciidankan ayaa hawlo maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu sifeynayo ka wada qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso.

Hadalsame Media